Faah Faahino Ka Soo Baxaya Dagaal Ka Dhacay Gobolka Hiiraan

 

09-01-2021

 

Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta dagaal u dhexeeyey Al-Shabaab iyo ciidamada AMISOM uu ka dhacay Degmada Jalalaqsi ee gobolkaasi.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii dagaalyahano katirsan Al-Shabaab ay weerer ku qaadeen fariisin Ciidamada Jabuuti ay ku leeyihiin halkaasi.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka uu socday muddo saacad ka badan, islamarkaana la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan iyo madaafiic.

Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi & weerarka xigay intaba.

Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro culus ku qaada Saldhigyada Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa AMISOM ee ku yaalla Koonfurta & Bartamaha Soomaaliya. – Radio Shabelle

Leave a Reply