Faah Faahin Dagaal Ka Dhacay Koofurta Gobolka Mudug

 

08-01-2021

 

Warar naga soo gaaraya Deegaanka Bacaadweyn ee Gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in maanta uu dagaal halkaasi ku dhex maray dad Shacab ah iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Dagaal ayaa yimid kadib markii dagaalamayaal katirsan Al-Shabaab ay weerar ku soo qaadeen deegaanka, waxaana uu halkaasi dagaal ku dhexmaray Al-Shabaab iyo dadka deegaanka.

Guddoomiyaha Deegaanka Bacaadweyn ayaa sheegay in ay iska difaaceen kooxdii soo weerartay isla markaana ay hadda xaaladu degan tahay.

Dagaalka ayaa waxaa la sheegay in ay dib kaga soo biireen ciidamo katirsan Dawladda Soomaaliya, kadibna ay goobta ka carareen Shabaabkii weerarka soo qaaday.

Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha dagaalkaasi ka dhashay.

Xigasho: Hiiraan Weyn

Leave a Reply