08-01-2021
Barlamaanka dalkan | Sawir: Magnus Hjalmarson Neideman/SvD/TT
Xisbiyada barlamaanka ayaa dhowaan ansixiyay sharci cusub oo kusaabsan Cudurka Koroona (Corona).
Sharciga ayaa dawladda u ogolaanaya in ay xiri karto goobaha ganacsiga iyo kuwa lagu jimicsado.
Sharcigan cusub ayaa hirgalaya laga bilaabo Axadda foodda innagu soo haysa oo ku beegan 10-ka bisha jannaayo 2021.
Xigasho: Radio Sweden, Somali Section