Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Oo Mashaariico Ka Dhagax Dhigay Degmada Yagoori Ee Gobolka Sool

 

07/01/2021

 

Hargeysa (SOLNA) – Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Jamhuuriyadda Somaliland Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa mashaariico kala duwan ka dhagax dhiga degmada Yagoori ee ka tirsan gobolka Sool.

Sida uu ku soo waramayo wariye Cabdiqani Xasan Faarax (Gadari) oo wakaaladda wararka Somaliland ee solna uga soo warama gobolka Sool, waxaana munaasibada dhagax dhiga ka soo qayb galay maayarka degmada Yagoori, duqa degmada Laascaanood, madax-dhaqameed, qurbajoog iyo mas’uuliyiin deegaankaas ah.

Ugu horreyn waxa halkaas ka hadlay maayarka degmada Yagoori Iidle Xuseen Xaaji Maxamuud, oo sheegay in ay muhiimad weyn u leedahay dhagax dhiga dib u dhiska lahu sameynayo gurigii maamulka iyo saldhigii booliska ee degmada Yagoori.

Sidoo kale, waxa iyana goobtaas ka hadlay xubno ku hadlayey afka dadka deegaanka oo ka mahadceliyey dhismayaashaas dayactirka loogu sameynayo, iyaga oo ballanqaaday in ay ku dedaalin doonaan dayactirkooda iyo ka war hayntooda marka la dhameystiro.

Waxa kale, oo isna halkaas ka hadlay mas’uul ku hadlayey afka shirkadda ku guuleysatay hirgelinta dhismahaas oo ballanqaaday in ka shirkad ahaan ay dhisi doonaan dhisme tayo leh oo ah kii ay heshiiska ku galeen sida ugu dhakhsaha badana ay u fulin doonaan.

Gebogebadii waxa dhagax dhigaas ka hadlay wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo sheegay in dhismayaashaas hore loo dhisay sannadkii 2004, balse ay uu ku yimid dayac aad u badani, isaga oo bulshada deegaankaasna u soo jeediyey in ay ilaashadaan isla marakaan dayactirtaan dhismayaashaas ay xukuumaddu u hirgelisay.

Wuxuuna wasiirku u mahadnaqay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wasiirka maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, oo uu sheegay in ay iyagu go’aansadeen in dhismayaashaas la dayactiro si loogu adeego bulshada deegaankaas ku nool.

Leave a Reply