Wasiirka Arrimaha Dibadda Oo La Kulmay Agaasimaha Hay’adda Socdaalka

 

07-01-2021

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar ayaa ku qaabilay xafiiskiisa Magaalada Muqdisho Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, Gaashaanle Sare Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi).

Wasiirka ayaa Agaasimaha kala hadlay xoojinta iskaashiga waxtarka leh ee u dhexeeya Wasaaradda iyo Hay’adda ee la xiriira u adeegidda muwaadiniinta iyo shisheeyaha.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Danjire Maxamed Cali-Nuur Xaaji iyo qaar ka mid ah Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda, si la mid ah Agaasime Waaxeedyada Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxa ay hoggaanka u qabanaysaa hindiso uu wehliyo geedi-socodkeeda qaran, oo ay ku dhameystireyso adeegyada dowladeed ee culeyska looga qaadayo muwaadiniinta, iyadoo la tixraacayo istiraatiijiyadeeda loogu talagalay kor u qaadista heerka adeegyada qunsuliyadaha iyo fududeynta habraacyada, xilli tani ay gacan ka geysaneyso in muwaadiniintu helaan adeegyadan, si haboon oo fudud. Wasaaraddu waxay adeegyadeeda u fidisaa Soomaalida iyo shisheeyaha, haku sugnaadeen gudaha dalka ama dibaddiisa.

Xigasho: Universal TV Somali

Leave a Reply