Wararkii Ugu Dambeeyey Qarax Ka Dhacay Muqdisho

 

07-01-2021

 

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax saaka aroortii hore ka dhacay qeybo kamid ah Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa lagu soo warramayaa inuu si gaar ah uga dhacay wadada Cabdiqaasim, gaar ahaan dhismaha ay dhowaan ka guurtay Safaaradda Qatar.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in qaraxa lala eegtay ciidamo katirsan kuwa Asluubta, xilli ay marayeen halkaasi.

Ugu yaraan 5 qof oo afar kamid ah ay ahaayeen askar ayaa ku dhintay qaraxaasi, halka qofka kale uu ahaa Wade Mooto Bajaajle, sida uu Shabelle u xaqiijiyey Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada ee Degmada Hodan, Mudane Cabdikaafi Yuusuf Nuur.

Sidoo kale Cabdikaafi ayaa tilmaamay in qaraxan ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan oo isugu jiro askar iyo dad shacab ah oo ka agdhowaa goobta ay wax ka dhaceen.

Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada ee Degmada Hodan ayaa ugu dambeyn shaaca ka qaaday in bartilmaameedka qaraxa uu ahaa Taliyaha Ciidanka Asluubta, Janaraal Mahad C/raxmaan Aadan, balse uu ka badbadaaday, sida uu hadalka u dhigay.

Maalmihii dambe ayaa waxaa Muqdisho ka dhacayey qaraxyo miino ah, iyada oo kii ugu dambeeyey uu habeen hore ka dhacay wadada 21-ka Oktober ee Degmada Waabari. – Radio Shabelle

Leave a Reply