Qasaarihii Ka dhashay Qaraxii Xalay Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

 

06-01-2021

 

MUQDISHO (WBW: The GBM) – Waxaa lagu soo waramayaa in xalay fiidkii uu qarax ka dhacay Degmada Waaberi oo katirsan Magaalo Madaxda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Muqdisho, gaar ahaana uu qaraxaasi ka dhacay agagaarka iskuul ku yaalo halkaasi.

Warka wuxuu ku darayaa in qaraxasii uu noociisa ahaa miino la dhigay waddada dhinaceeda, wuxuuna waxyeeleeyay Gaariga Afhayeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliya Saddiiq Aaden Cali.

Afhayeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliya Saddiiq Aaden Cali oo isna la hadlay warbaahinta, ayaa sheegay in uusan la socon gaariga ku waxyooloobay qaraxaasi.

Sida ay sheegeen dad goobjoogeyaal ahna, wuxuu qaraxaasi salfaday haweeni rayid aheyd oo waddada reedeeda mareysay.

Ugu dambeysti, Magaalo Madaxda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa noqotay halka ay argagixisada markasta bartilmaameedsato, iyadoo ay weliba kusii sugan yihiin Ciidamada Dowladda Soomaaliya; tiradoodana aad usii badan tahay.

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Graet Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa wararka caalamka, gaar ahaana Wararka Soomaaliya (Siiba Gobolkii Banaaddir: Shabeellaha Hoose, Muqdisho & Shabeellaha Dhexe), Somaliland, Jabuuti, Soomaali Galbeed, iyo NFD (Northern Frontier Districts).

 

Leave a Reply