Qaraxyo Xoogan Oo Ka Dhacay Gobolka Mudug

 

06-01-2021

 

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qaraxyo xoogan oo xalay saq-dhexe dagaalyahano katirsan Al-Shabaab ay ka fuliyeen qeybo kamid ah Gobolka Mudug.

Qaraxyada oo si weyn looga maqlay Deegaanka Bacaadweyne iyo tuulooyinka hoos yimaada, ayaa la sheegay in lagu burburiyey Ceel Biyood ku yaalla halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalyahanada Al-Shabaab ay labo qarax ku xireen Ceel-kaasi kadibna ay ku qarxiyeen, isaga oo gabi ahaanba burburay.

Ceel Biyoodka la qarxiyey ayaa muhiim u ahaa dadka deegaanadaasi, maadaama ay u badan yihiin Xoolo Dhaqato.

Xaaladda ayaa saaka degan, balse dadka deegaanka ayaa waxaa soo wajahday xaalad adag oo Biyo la’aaneed, maadaama Ceel Biyoodkii ay isticmaali jireen la qarxiyey. – Radio Shabelle

Leave a Reply