Janaraal Xuud Oo Shir Jaraa’id Ku Qabtay Gudaha Baledweyne Oo Si Kulul Uga Hadlay Arrimo Xasaasi Ah

 

06-01-2021

 

Waxaa maanta gudaha usoo galay Magaalada Baledweyne hoggaamiyaha dhaqdhaqaaqa hubeysan ee Golaha Samata Bixinta Hiiraan Janaraal Abuukar Xaaji Warsame Xuud iyo ciidamadiisa.

Imaashaha Janaraal Xuud ee gudaha Magaalada Baledweyne ayaa la xiriirtay booqashada dad shacab ah oo dhawaan ku dhaawacmay rasaas ay ku fureen ciidamo katirsan Dowlada Soomaaliya xili ay banaanbaxyo ka dhigayeen gudaha Baledweyne, wuxuuna ku booqday Isbitaalada ay jiifaan iyo xaafadaha.

Janaraalka oo Shirjaraa’id ku qabtay gudaha Magaalada Baledweyne ayaa sheegay iney maxkamad la tiigsan doonaan Saraakiisha Ciidamada Militariga iyo kuwa Booliiska Soomaaliya ee ka howlgala Baledweyne iyo waliba Madaxda Hirshabeelle oo uu sheegay iney amarka lagu waxyeelayay dadka shacabka ah ee dareenkooda muujinayay.

Janaraalka ayaa sidoo kale ka hadlay arrimaha la xariira doorashooyinka kuraasta Aqalka Hoose ee taala Magaalada Baledweyne oo uu sheegay inuu ka digayo in laga wareejiyo kuraastaas Magaalada Baledweyne, taasoo ay ku howlan yihiin siyaasiyiin doonaya in la wareejiyo.

“Magaalada Baledweyne waa nabad waana lagu qaban karaa doorashada Kuraasta taala ee Aqalka Hoose, anagana waxaan diyaar u nahay inaan ka qeyb qaadano sugista amaanka, waxaana cadeynaa iney waxba kama jiraan tahay wararka sheegaya inaan la isku haleyn karin Amaanka Baledweyne taasna ay waxba kama jiraan tahay” ayuu yiri Janaraal Xuud.

Waa markii labaad oo Janaraal Xuud iyo ciidamadiisa soo galaan gudaha Magaalada Baledweyne tan iyo markii ay ku dhawaqeen iney diidan yihiin hab dhismeedka Hirshabeelada labaad. – Hiran Online

Leave a Reply