SOMA Oo Cambaareysay Xariga Loo Geystay Radio Baraawe Iyo Maamulkiisa

 

05-01-2021

 

Dalladda Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA waxey ka xun tahay oo ay si adag u cambaareyneysaa tacadiga iyo caburinta lagula kaco Wariyeyaasha iyo Warbaahinta ka howl gasha Gudaha Soomaaliya.

Talaabada lagu xiray Radio Baraawe iyo Maamulkiisa waa mid sharciga baal marsan, waxaana ugu baaqeynaa Maamulka Koofur Galbeed in ay si deg-deg ah xabsiga uga siii daayaan Agaasimaha Idaacada Baraawe, dibna ay u furan Xarunta Idaacada oo maalintii 4aad xiran.

Warbaahinta iyo Wariyeyaasha hadii maamulka uu ka tabanaayo eed haba yaraatee waxaa jira waddooyin sharciga waafaqsan oo ay ku kala gar bixi karaan. Laakiin xalka ma ah jajuub, handadaad iyo xarig.

SOMA waxeey mar kale cod dheer uga dalbaneysaa Maamulka Koofur Galbeed in ay xoriyaddooda u celiyaa Idaacada Baraawe iyo Maamulkeeda. – Hiiraan Weyn News

Leave a Reply