Wasiirka Amniga Iyo Guddiga Amniga Golaha Shacabka Oo Maanta Ka Wadahadlay Arrimo Muhiim Ah

 

04-01-2021

 

Guddiga Amniga ee Golaha Shacabka ayaa maanta kulan looga hadlayay adkeynta amniga xilliga doorashooyinka waxay la qaateen Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Soomaaliya.

Xubnaha Guddiga Amniga Golaha Shacabka ayaa su’aalo amniga la xiriira ku weydiiyeen Wasiirka Amniga, Xasan Xundubey Jimcaale iyo mas’uuliyiinta kale ee wasaaradda oo wasiirka kulanka ku wehliyay.

Kulanka oo ka dhacay xarunta ku meel gaarka ah ee golaha ee Villa Hargeysa ayaa waxaa mas’uuliyiinta ku gorfeeyeen ahmiyadda ay leedahay wada shaqeynta laamaha amniga xilliga doorashada.

Guddoomiyaha Guddiga Amniga ee Golaha Shacabka, Xildhibaan Maxamed Cabdulle Faarax Geeseey ayaa u mahad celiyay dhammaan mas’uuliyiintii kulanka ka qeybgashay gaar ahaan Madaxda Wasaaradda Amniga Gudaha.

Wasiirka amniga waxaa kulanka ku wehliyay Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Farxaan Cali Axmed iyo mas’uuliyiin kale oo katirsan wasaaradda. – Radio Mogadiscio

Leave a Reply