Soomaalida Mareykanka Oo Dhigay Dibad-Bax Ballaaran + Ujeedka

 

04-01-2021

 

Soomaali iyo dad kale oo badan ayaa waxa ay isugu soo baxeen Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnessota halkaas oo ay ku muujinayeen sida ay uga xun yihin wiil Soomaali ah oo magaaladaas ay boolisku ku toogteen.

Dadka isu soo baxay ayaa dalbanayay in qoyska Doolaal Ciid ay cadaalad helaan, iyo in mustaqbalka aanay middaas oo kale soo laaban.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in carruurtooda ay u cabsanayaan, sidaas daraadeedna aanay ka tagayn waddooyinka illaa wax laga qabto dilka Doolaal. – Radio Shabelle

 

Leave a Reply