Dowladda UK Oo Safiir Cusub U Magacowday Soomaaliya

 

04-01-2021

 

London (SONNA) – Dowladda UK, ayaa Kate Foster u magacowday safiirkeeda cusub ee Soomaaliya, waxaana ay noqonaysa Safiirka UK, ee fadhiya dalka Soomaaliya.

Kate oo heysata abaalmarinta sare ee UK ee lagu magacaabo OBE, ayaa waxaa ay in muddo ah ka soo shaqaynaysay qeybo kala duwan oo kamid ah Xukuumadda UK, gaar ahaan waaxda horumarinta caalamiga ah.

Kate Foster, ayaa xilka la wareegi doonta oo shaqeeda si rasmi ah u bilaabeysa bisha febaraayo ee soo socota, waxaana ay beddalaysa Mr Ben Fender oo illaa 30-ka bishii janaayo ee sanadkii 2019-ka ahaa Safiirka UK ee Soomaaliya.

Leave a Reply