Cabdiraxman Cabdishakur Oo Ka Jawaabay Go’aan Kasoo Baxay Dowladda

 

04-01-2021

 


Abdirahman Abdishakur Warsame

 

MUQDISHO – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ka hadlay go’aan kasoo baxay Wasaarada Amniga Dowlada Federaalka Soomaaliya oo ay ku sheegtay in aanan garoonka diyaaradaha lala geli karin wax hub ah.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur, oo ah Gudoomiyaha Xisbiga Wadajir kana mid ah musharixiinta u taagan tartanka madaxtinimada Soomaaliya ayaa go’aanka Wasaarada Amniga ku tilmaamay caddaalad darro iyo culeys saar.

Ugu horeyna Falastiin Axmed Iiman ayaa weydiisey sida uu u arko Go’aanka Wasaarada Amniga ee hubka in lala galo looga joojiyey garoonka, marka laga reebo madaxda ugu sareysa dalka ee hada xukunka haya.

DHAGEYSO Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka jawaabay go’aan kasoo baxay dowladda

– VOA Somali

Leave a Reply