Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Tababbar U Qabatay Xubno Ka Tirsan Ciidanka Booliska

 

03/01/2021

 

Hargeysa (SOLNA) – Wasaaradda arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa tababbar u qabatay xubno ka tirsan ciidamada, kaas oo ku saabsanaa habka kiiska loo maamulo marka uu dhaco.

Waxaana ka soo qaybgalay saraakiil kala duwan oo ka kala socday ciidamada kala duwan ee qaranka, ugu horreyn waxaa tabbabbarkaas ka hadlay xeer ilaaliyaha maxkamadaha ciidadmada qalabka sida gaashaanle dhexe Yaasiin Maxamuud Cabdi, oo faafaahin ka bixiyey habka loo maamuklo gal dacwadeedyada iyo qaybaha uu ka kooban yahay oo uu tilmaamay inuu maro saddex marxaladood oo uu ugu horeeyo saldhigu, isla markaana ay tahay in uu baadho taliyaha saldhigu ama cid u wakiisho isaga oo cuskanaya qodobka 24 aad ee xeerka habka ciqaabta, wuxuuna intaas ku daray marka ay soo gaadho warbixinta dambiga eedeysanaha loo adeegsanayo qodobka 13aad, marka eedeysanuhu uu soo gaadho obiig loo gudbinayo xeer ilaalinta ciidanka iyo maxkamada awooda u leh.

Waxa kale, oo isna halkaas ka hadlay hogaanka saadka iyo maamulka lacagta ee ciidanka booliska Somaliland gaashaanle sare Maxamed Baaruud, oo sheegay in tababbarkaas qaybihii loogu talo galay ay goobjoog ka yihiin, loona baahan yahay in lagu soo bandhigo wixii talo bixin iyo toosin ah si ay tababbarkaas uga soo baxaan qodobo muhiim u ah hawlaha shaqo ee ay bulshada u hayaan.

Leave a Reply