03-01-2021
Muqdisho (SONNA) – Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow gaaray Xerada Bali-doogle ee Gobolka Shabeellaha.
Ra’iisal Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa waxaa Xerada Bali-doogle ku soo dhoweeyay Saraakiil Ciidan, wuxuuna mudada uu joogo u kuurgalayaa Howlgalada Ciidanka Xoogga Dalka ee ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab.
Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Ra’uiisal Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu kormeer ku sameyn doona dhamaan qeybaha ay ka koobantahay Xerada Bali-doogle oo ah Taliska Guutada 16aad Kumaandooska Xoogga Dalka, isla markaana ku taalla Gobolka Shabeellaha Hoose.