Midowga Musharaxiinta Oo U Digay Madaxda Dowladda Iyo Madaxda Goboleedyada

 

03-01-2021

 

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa qoraal u diray Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Labada Golle ee Baarlamaanka, Xeer Ilaaliyaha, Hanti-dhowrka iyo Madaxda Dawlad Goboleedyada.

Qoraal kasoo baxay Musharaxiinta ayaa Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada looga digay Qandaraas shati bixin shidaal oo ay Wasaaradda Batroolka Xukuumadda la gelayso Shirkada Coastline oo horay loo oran jiray Som-Oil iyo Shirkada Liberty.

Midowga Musharaxiinta ayaa sheegay inay haleen Xog sheegeysa in Wasaarada Batroolka Xukuumadda ay maalmaha soo socda heshiis qarsoodi oo shidaal baaris iyo qodis ah la geli doonto laba shirkadood oo laga leeyahay dalka dibaddiisa.

Heshiiskaas qarsoodida ah oo Wasaaradda Batroolka Xukuumadda Soomaaliya ay la geli doonto Shirkaddahaas ayey Musharaxiinta ku tilmaameen inuu baalmarsan yahay Sharciga iyo Dastuurka u yaalla dalka.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Musharaxiinta Madaxweynaha

 

– Radio Dalsan

Leave a Reply