Al Shabaab Oo Caawa Weerartay Degmada Afgooye

 

03-01-2021

 

Maleeshiyada Ururka Al Shabaab ayaa caawa weeraray Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose, iyadoona muddo kadib dib loo caabiyay.

Maleeshiyada Al Shabaab ayaa weeraray fariisimo ay Ciidamada Dowladda ku leeyihiin halka loo yaqaano Mukayga Afgooye, sida ilo wareedyo ay inoo xaqiijiyeen.

Ciidamada Militariga ayaa ku guuleystay in ay dib u caabiyaan maleeshiyadii Al Shabaab ee weerarka soo qaaday.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in halkaasi laga maqlayay rasaas aad u xoogan, kahor intii aan dib loo caabin maleeshiyadii Shabaabka.

Goobtii lagu dagaalamay waxaa iminka ku sugan Ciidamada Militariga iyo ciidan kaloo katirsan kuwa booliska oo gurmad ahaan ugu yimid.

Ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi, sababo ku aadan xilliga oo habeen ah iyo Saraakiisha Ciidamada Dowladda oo aan weli ka hadlin.

Afgooye oo 30 km dhinaca Koonfur Galbeed kaga beegan Magaalada Muqdisho ayaa u nugul weerarada Al Shabaab. – Universal TV Somali

Leave a Reply