Laamaha Ammaanka Oo La Faray Inay Gacanta Ku Soo Dhigaan Kuwii Xildhibaanka Dilay

 

02-01-2021

 

Laamaha ammaanka ee Jubbaland ayaa lagu amray in ay si deg deg ahi uga hawlgalaan, gacantana ku soo dhigaan kuwii dilay Xildhibaan Khaliif Haashim Nuur.

Xildhibaanka ayaa xalay ku dhintay qarax loogu xiray gaari nooca raaxada oo uu lahaa, iyadoona uu qaraxaasi ku haleelay, xilli uu maraayay xaafadda Farjano.

Madaxweyne Kuxigeenka 1aad ee Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan ayaa laamaha ammaanka ku amray inay gacanta ku soo dhigaan kuwii falkaasi ka masuulka ahaa.

Qoraal uu soo saaray Madaxweyne Kuxigeenka 1aad ee Jubbaland ayuu ku sheegay in loo baahan yahay in sharciga la horkeeno dembiile-yaasha.

Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarka lagu dilay xildhibaankaasi, oo ay sheegeen inuu kamid ahaa xubnaha ku dhow dhow Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe). – Universal TV Somali

Leave a Reply