Faah Faahino Ka Soo Baxaya Weerar Ka Dhacay Degmada Afgooye

 

01-01-2021

 

Wararka laga helayo Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in dagaalyahano katirsan Al-Shabaab saacadihii la soo dhaafay ay weerar xoogan ku qaadeen bar-kontorool oo ciidamada dowladda ay ka leeyihiin qeybo kamid ah Degmada Afgooye ee gobolkaasi.

Weerarka kadib ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo dhex-maray labada dhinac, kaas oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi iyo weerarka xigay, iyada oo haatan xaaladdu ay tahay mid dagan.

Inta badan Xarakada Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada Xarumaha Ciidamada Xoogga Dalka & kuwa AMISOM ee Gobolka Sh/ Hoose. – Radio Shabelle

 

 

Leave a Reply