Waddo Isku Xirta Matabaan Iyo Baladweyne Ee Gobolka Hiiraan Oo Xiran

 

30-12-2020

 

Saacadihii la soo dhaafay deegaano katirsan Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka dhacay weeraro geystay khasaaro isugu jira dhimasho, dhaawac iyo dilal qorsheysan oo ay geysteen rag hubeyan oo Malaeshiyaad ah.

Weerarada iyo dilalka dhacay ayaa ahaa kuwo salka ku hayo arrimo la xiriira aano qabiil, isla markaana 48-saac ee la soo dhaafay deegaano hoostega Degmada Matabaan lagu dilay saddex qof, halka kuwo kalena la weeraray xili ay saarnaayeen gaari.

Rag hubeysan oo loo maleynayo inay yihiin Maleeshiyaad ayaa xalay wadada u galay gaari ay ku safrayeen dad shacab ah, xili uu mararay wadada xiriirisa Matabaan iyo Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, waxaana halkaas ku dhintay hal qof.

Weerarka lagu qaaday gaarigaas ayaa waxaa ku dhaawacmay saddex qof, iyadoona goobta uu falku ka dhacay ay ka baxsadeen ragii ka dambeeyay weerarka oo u baxsaday dhul-howd ah sida la sheegay.

Wararkii ugu dambeeyay ee saakay laga helayo wadada u dhexeeysa Matabaan iyo Magaalada Baladweyne ayaa sheegaya in halkaas ay gebi ahaa go’day, sababo la xiriira cabsi laga qabo weeraro iyo dilal ka dhaca.

Gaadiidka iyo dadkii ku socdaali jiray wadadaas ayaa kahad galay, waxaana la sheegay in Darawalada iyo dadka u cabsanayaan naftooda, maadaama hareeraha wadada ay tahay meel howd ah, isla markaana ay jirto xaalad casi ah oo dadka ay dareemayaan.

Gaadiidka iyo dadkii ku socdaali jiray wadadaas ayaa hahad galay, waxaana la sheegay in Darawalada iyo dadka u cabsanayaan naftooda, maadaama hareeraha wadada ay tahay meel howd ah, isla markaana ay jirto xaalad cabsi ah oo dadka ay dareemayaan. – Somali Weyn News

Leave a Reply