29-12-2020
MUQDISHO (SONNA) – Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ay yeesheen waxay ku ansixiyeen Miisaaniyadda Dowladda ee 2021.
Kulanka ayaa waxaa guddoominayay Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad, waxaana ansixinta Miisaaniyadda Dowladda 2021 u codeysay 145-mudane mana jirin xildhibaan ka aamusay iyo wax diiday.
Mudanayaasha ayaa shalay akhrinta labaad marsiiyay miisaaniyadda Dowladda ee 2021-ka.