Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Magacaabay Afhayeenka Xukuumadda

 

29-12-2020

 

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Mudane Maxamed Ibraahim Macallimuu u magacaabay Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Macalimow ayaa ah Wariye muddo dheer kasoo shaqeeyay qeybaha kala duwan ee warbaahinta, waxaana sanadyadii ugu dambeeyay kamid ahaa Ururada Saxaafada.

Ra’iisul wasaare ayaa maanta bilaabay isbadel weyn oo ku sameeyo xafiiska ra’iisul wasaaraha, iyadoo maanta uu magacaabay xoghayaha joogtada ah.

Waxaa sidoo kale ilo lagu kalsoonaan karo ay xaqiijiyeen in ay jiraan isbedallo kusoo wajahan agaasimeyaasha iyo sidoo kale madaxda ee wasaaraddaha. – Radio Risaala

Leave a Reply