Xildhibaannada Golaha Shacabka Ah Oo Kulan Ku Leh Muqdisho

 

28-12-2020

 

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ee haatan waqtigooda uu dhamaaday ayaa maanta kulan ku leh Magaalada Muqdisho.

Ajandaha kulanka ah ayaa maanta ah Akh 2aad Qoondada Miisaaniyadda 2021 taasi oo horay ay u marsiiyeen akhrinta koowaad.

Kulanka ayaa waxaa shir guddoominaya Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Cabdiwali Ibaraahim Shiikh Muudey, maadaama uu guddoomiyaha golaha shacabka uu ku maqanyahay magaalada Garoowe.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa muddo xilheyntooda uu shalay ku ekaa, inkastoo guddoomiyaha golaha shacabka uu sheegay in ay sii joogayaan ilaa iyo inta baarlamaanka cusub laga dooranayo, waxaana weli horyaalla Ajandayaal dhowr ah oo u baahan inay meel mariyaan.

Muddo xileedka dastuuriga ah ee baarlamanka Soomaaliya waa afar sannadood, waxaana sharcigu dhigayaa in marka gole xilka haya mudadiisu dhamaatoba la soo doorto kii bedeli lahaa. – Radio Kulmiye

Leave a Reply