Madaxweynaha JSL Oo Booqday Safaaradda Somaliland Ku Leedahay Dalka Jabuuti

 

28/12/2020

 

Jabuuti – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Weftigii uu hoggaaminayey oo maalintii shanaad ku sugan dalka Jabuuti oo halkaasi u joogay hawlo shaqo ayaa shalay booqday Safaaradda Somaliland ay ku leedahay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Waxaana madaxweynaha warbixin halkaa ku siiyey Safiirka Jamhuuriyadda Somaliland u qaabilsan dalka Jabuuti Amb. Cabdifataax Siciid Axmed oo ay wehelinayaan safiir ku xigeenka, Amb. Cabdilaahi Xaaji Suldaan iyo hawl-wadeenada safaaradda, isagoo ku dheeraaday mudadii uu safiirku joogay wixii u qabsoomay.

Geesta kale maareeyaha dekedaha Jabuuti ayaa sharaxaad ka siiyey Madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisa aaga cashuuraha ka caagan ee Free Żonę-ka.

Dhinaca kale madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo xubnaha weftiga la socday waxa hadhimo sharafeed u sameeyey Maareeyaha Dekedaha Jabuuti Mudane Abuubakor Cumar Xadi oo ay wehelinayaan xubno ka mida golaha wasiirrada Jabuuti iyo masuuliyiin kale.

Xigasho: Somaliland News Agency (SOLNA) | Daabacday: 27/12/2020

 

Leave a Reply