Askar Ka Tirsanaa Ciidamada DF Soomaaliya Oo Lagu Dilay Muqdisho

 

28-12-2020

 

Kooxo ku hubeysan bistoolado ayaa barqanimadii maanta afar askari oo katirsanaa ciidanka dowladda waxa ay ku dileen Degmada Xamarjajab ee Gobolka Banaadir.

Dad goobjoogayaal ah ayaa Warbaahinta Shebelle u sheegay in rag hubeysan ay toogteen saddexda askari oo kamid ahaa Ciidamada Nabad-sugidda, gaar ahaan kuwa dharcadda ee loo yaqaano ilaalada shacabka, xilli ay ku sugnaayeen agagaarka Buundooyinka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in mid kamid ah ragga dilka geystay ay gacanta ku dhigeen, isaga oo dhaawac ah ciidanka amniga, halka kuwii kalena ay baxsadeen

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in Ciidanka Booliska ay howl-gal ka sameeyeen xaafado ka tirsan Xamarjajab, kuwaas oo ay ku baadi goobayeen raggaasi.

Dhinaca kale Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilka askartan, kadib qoraal ay ku baahisay baraha bulshada ee Internet-ka.

Muqdisho ayaa waxaa maalmahan ka dhacayey dilal qorsheysan, waxaana inta badan sheegatay Xarakada Al-Shabaab oo dagaal kula jirta Ciidamada DF & kuwa AMISOM. – Radio Shabelle

Leave a Reply