Xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland Oo Ansixiyey Odoroska Miisaaniyadda Qaranka Ee Sannadka 2021

 

26/12/2020

 

Hargeysa (SOLNA) – Mudanayaasha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta cod gacantaag ah ku ansixiyey odoroska miisaaniyadda qaranka ee sannadka 2021.

Fadhigan oo uu shirgudoominayey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Mudane Baashe Maxamed Faarax, kaas oo ay ka soo xaadireen 42 xildhibaan, waxay mudanayaasha cod gacantaag ah ugu codeeyeen ansixinta odoroska miisaaniyada qaranka ee sannadka 2021, iyada oo ay ogolaadeen 27 mudane, halka ay diideen shan xildhibaan, iyada oo ay ka aamuseen sagaal mudane guddoomiyuhuna muu codeyn odoroska miisaaniyada qarankuna sidaas ayey ku ansaxday.

Geesta kale, Mudaneyaasha Golaha Wakiilladu waxa ansixiyeen Mustafe Cali Jaamac oo kamid noqon doono Guddida Agaasinka ee Baanka Dhexe ee Somaliland.

Leave a Reply