Midowga Musharixiinta Oo Soo Dhawaayay Dadaallada Dhex-dhaxaadinta Ah Oo Ay Wadaan Madaxda Galmudug Iyo Puntland

 

25-12-2020

 

Qoraal ka soo baxay Midowga Musharixiinta dalka ayaa lagu soo dhaweeyay dadaalka Madaxweynayaasha Dowlad Gobolleedyada Galmudug iyo Puntland ku doonayaa in ay ku soo afjaraan khilaafka ka dhasha doorashada dalka.

Qoraalka ayaa lagu yiri ”Goluhu wuxuu hoggaanka labada dowlad gobolleed ku amaanayaa xilka ay sida gaar ah isaga saareen xal u helida ismari-waaga ku xeeran hergalinta doorashada dalka.”

Gaar ahaan qoraalka ayaa lagu bogaadiyay madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor oo arintan xil gaar ah iska saaray.

Hoos ka akhriso qoraalka

Xigasho: Hiran Online News

Leave a Reply