Ciidamada Dowlada Iyo Kuwa AMISOM Oo Howlgal Ka Wada Baladweyne

 

25-12-2020

 

Cidamada Dowladda Soomaliya iyo kuwa AMISOM ayaa saakay ilaa xalay howlgalo ka wado Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, waxaa ay xireen wadooyinka waa weyn ee magaalada iyagoona joojiyey isku socodkii magaalada.

Ciidamada ayaa baarayey gaadiidka iyo guryaha, lama oga sababata ka danbeeysay howlgalka xalay ilaa saakay ka socda Magaalada Baladweyne.

Warar ay heshay Idaacada Hiiraanweyn ee Magaalada Baladweyne ayaa sheegaya in ciidamadan ay ka hortagayeen banabaax looga soo horjeedo Maamulka Hirshabeelle oo lagu waday in uu maanta ka dhaco Magaalada Baladweyne.

ilaa iyo hada majirto wax war ah ee kasoo baxay laamaha Amaanka Magaalada Baladweyne ee ku aadan howlgalka ka socda Xaafadaha Magaalada Baladweyne.

Xigasho: Hiiraan Weyn News

Leave a Reply