Bannaanbaxyo Saaka Ka Billawday Qaybo Kamid Ah Magaalada Muqdisho

 

24-12-2020

 

Waxaa saaka qaybo kamid ah Magaalada Muqdisho ka billawday bannaaanbaxyo ballaaran oo ay dhigayaan dad shacab ah, kuwaasi oo lagu arkayo qaar ka mid ah waddooyinka Muqdisho.

Isgooysyada qaar ayaa waxaa lagu arkayaa dad shacab ah oo ku dhawaaqaya erayo ka dhan ah Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi farmaajo, waxaana bannaanbaxu uu ka billawday inta u dhexeeyso Isgoosyada Dabka illaa Sayidka ee Wadada Maka Al Mukarama.

Horay, bannaanbaxyo dowladda looga soo horjeedo ayaa ka dhacay Magaalada Muqdisho, waxaana inta abdan bannanbaxyadaasi soo qaban-qaabiyay Musharixiinta Mucaaradka ah, iyadoo horay ay Ciidanka Dowladdu ay kala eryeen dad shacab ah oo dhigayay bannaanbaxyo ka dhan ah Farmaajo.

Xigasho: Radio Dalsan

Leave a Reply