Wariye C/qaadir Faarax Dulyar Oo Caawa Lagu Xiray Beledweyne

 

23-12-2020

 

Wariye C/qaadir Faarax Dulyar ayaa caawa lagu xiray Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Ciidamada Booliska ayaa Wariyaha ka kaxeystay hotel uu ka deganaa Magaalada Beledweyne, oo maalmo ka hor uu gaaray.

Wariye Dulyar ayaa waxaa lagu haysto wareysi uu maanta duleedka Magaalada Beledweyne uga soo qaaday General Abuukar Xaaji Warsame (Xuud) oo katirsanaa Saraakiishii hore ee Militariga Soomaaliya, haatana ka soo horjeeda Maamulka Hirshabelle.

General Xuud ayaa hadda hoggaaminaya Jabhadda HLF (Hiran Liberation Front) oo daba-yaaqadii bishii hore ee Nofember looga dhawaaqay deegaanka Ceelgaal ee Duleedka Beledweyne, isagoona ka biyo diidan doorashadii 11-kii Nofember ka dhacday Magaalada Jowhar, Cali Guudlaawe-na loogu soo doortay inuu noqdo Madaxweynaha Hirshabelle.

Dulyar ayaa caawa wareysiga horudhaciisa soo dhigay bartiisa Facebook, waana midda keentay xarigiisa.

Saraakiisha Laamaha Ammaanka iyo Maamulka Hirshabelle ayaan weli si rasmi ah uga hadlin xariga ninka Wariyaha ah loogu gaystay Beledweyne.

Soomaaliya waxaa lagu tilmaamaa mid kamida wadamada ugu halista badan dunida ee Wariye uu ka hawlgalo.

Xigasho: Universal TV Somali

Leave a Reply