Wafdi Uu Hogaaminayay Wasiirka Cadaaladda XFS Oo Lagu Soo Dhaweeyay Dalka Turkiga

 

23-12-2020

 

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo casuumad Rasmi ah ka heley dhiggiisa dalka Turkiga Mudane Abdulhamit Gül ayaa lagu soo dhoweeyay Magaalada Ankara ee Caasimadda dalka Turkiga.

Wafdiga ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud, Garsoore Saalax Sheekh Ibraahim oo kamid ah garsoorayaasha Maxkamadda Sare ee dalka Iyo Taliye Kuxigeenka Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Cilmi Waasuge, ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Ankara ku soo dhoweeyay Masuuliyiin ka socday Wasaaradda Cadaalada ee dalka Turkiga Iyo howl-wadeenadda Safaaradda Soomaaliya oo uu hogaaminayey Danjire Jaamac Cabdullaahi Caydiid .

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo kulan la yeelan doona dhigiisa Wasiirka Cadaalada ee dalka Turkiga ayaa sheegay inuu kala hadli doono xoojinta xiriirka labada wasaaradood iyo hormarinta arimaha Garsoorka iyo Cadaaladda. – Radio Mogadishu

Leave a Reply