Midowga Musharixiinta Oo War Ka Soo Saaray Jadwalkii Ay Shaaciyeen Guddiga Doorashada

 

23-12-2020

 

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa cambaareeyay go’aanka guddiga lagu muransan yahay ee doorashada heer Federaal ku shaaciyeen jadwal doorasho, waxaana ay ku sheegeen in tallaabadan ay u arkaan boobka doorashada heer Qaran oo uu Madaxweynuhu ugu bareerayo abuuris xasarad siyaasadeed lagu burburinayo nidaamka dimoqraadiga.

Waxaa ay uga digeen Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada inay ku kadsoomaan qabashada doorashooyin aan la isku raacsaneyn.

Sidoo kale Midowga Musharaxiinta ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo ay dusha ka saarayaan eedda natiijada taban ee ka dhalata qabashada doorasho aan la isku raacsaneyn.

Halkan Hoose Ka Akhriso

Xigasho: Jowhar News

Leave a Reply