Madaxweynaha JSL Oo Si Ballaadhan Loogu Soo Dhaweeyey Madaarka Caasimada Jabuuti

 

23/12/2020

 

Hargeysa (SOLNA) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo si ballaadhan loogu soo dhaweeyey Madaarka Caasimada Jamhuuriyadda Jabuuti.

Madaxweynaha iyo weftigiisa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyey Wasiirka Wasaaradda Biyaha, Beeraha, Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga ee Jabuuti Mudane Maxamed Axmed Cawaale (Maxamed Soomaali) oo ay wehelinayaan masuuliyiin sar-sare oo katirsan dalka Jabuuti iyo Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Jabuuti.

 

Leave a Reply