Wariye Serjito Oo Dib U Helay Xorriyadiisa Iyo Digniin Loo Jeediyay

 

22-12-2020

 

Wariye Maxamed Deeq Cabdiraxiin (Serjito) ayaa dib u helay xorriyadiisa, kadib markii maalin ka hor lagu xiray Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.

Wariyaha oo si weyn looga garanayo Magaalada Baydhabo ayaa waxaa Axadii hoygiisa ka soo xiray Ciidamada Booliska, iyagoona ku xiray Saldhigga Dhexe ee Baydhabo, xilli aan wax sabab ahi loo sheegin.

Wariyaha oo ka hadlay dib u helidda xorriyadiisa ayaa dhanka kale tilmaamay inay jirto caqabad kale, taasoo ah inaanu sidii hore magaalada uga hawlgeli karin.

“Al Xamdullillaah dib ayaan u helay xorriyadeeda, inkastoo la’igu wargeliyay inaan ahay qof ku jiro xabsi korka ka feedan, sidii horena aan u shaqeysan karin, mana garan karto sababta.” Ayuu yiri Wariyaha.

Wariyaha ayaa sidoo kale yiri “Saraakiisha Booliska waxay igu yiraahdeen waxaad ka dheereysay guuxaaga, si xor ahna uma shaqeysan kartit, yacni waa hanjabaad la’igu sheegaayo inaan ka dheereeyay Wariye-yaasha kale.”

Serjito oo ka hawlgala mid kamida Warbaahinta madaxbannaan ee dalka ayaa intaa ku daray “Waxay yiraahdeen haddii fal kale oo liddi inagu ah aan kugu helno ogow xabsiga ayaan kugu soo celin doonnaa, cid naga kaa celin kartana ma jirto, marka caqabadaas ayaa jirto, waana markii labaad ay i xirayaan, oo ay igu xadgudbayaan ciidamada iyo maamulkaba.”

Serjito ayaa 26-kii bishii August ee sanadkan lagu xiray Magaalada Baydhabo, kadib markii uu wareystay dad dhaliilay shaqada Wasaaradda Haweenka, Xuquuqul Insaanka & Arrimaha Qoyska ee Koonfur Galbeed. Wariyaha ayaana xabsiga laga sii daayay maalmo yar ka dib. – Universal TV Somali

Leave a Reply