Ciidamada Ammaanka Beledweyne Oo Howl-Gallo Ka Wada Magaaladaasi

 

22-12-2020

 

Ciidamada amniga ayaa saaka Magaalada Beledweyne ee Xarunta gobolka Hiirraan ka wada howl-gall lagu xaqiijinayo amniga magaaladaasi.

Dhammaan waddooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa Beledweyne ayaa xiran, waxaana yar dhaq dhaqaaqa gaadiidka kala duwan.

Sidoo kale ciidanka ayaa baaritaan ku sameynaya dadka iyo gaadiidka, si loo xaqiijiyo ammaanka.

Saraakiisha amniga weli kama hadlin u jeedka howlgalkan, balse wuxuu ku soo aadayaa, xilli muddooyinkii u dambeeyey ay xiisad ka taagneyd halkaasi. – Radio Shabelle

Leave a Reply