Booliska Kenya Oo Helay Meydka Mas’uul Degaan Oo La Gowracay

 

22-12-2020

 

Booliiska Gobolka Wajeer ee Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegay inay heleen maydka kaaliye degaan oo maalintii Jimcihii ay afduubeen maleeshiyaad lagu tuhunsan yahay inay katirsan yihiin ururka Al-Shabaab.

Booliiska Khorof Xaraar waxay sheegeen in la helay maydka Cumar Aadan Buul oo ahaa Kaaliyihii Saldhigga Degaanka Gumarey oo hoos yimaada Khorof Xaraar.

Waxay intaas ku dareen inay u egtahay in Cumar Aadan Buul lagu dilay meel ka baxsan halka lasoo dhigay maydkiisa oo u dhaxaysa Khorof Xaraar iyo Konton.

Booliisku waxay sheegeen in mas’uuliyinta baaritaanka wada ay weli joogaan goobta.

Kenya ayaa dagaal adag kula jirta Ururka Al-Shabaab oo weerarro iskugu jira ku dhufo oo ka dhaqaaq, qaraxyo iyo kuwo gaadmo ah ka gaystay Gobolka Waqooyi Bari. – Radio Risaala

Leave a Reply