Madaxweyne Muuse Biixi Oo Qasriga Madaxtooyada Ku Qaabilay Wefti Ka Socda Dawladda Koonfur Afrika

 

21/12/2020

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta xafiiska ku qaabilay wefti ka socda Xisbiga ANC ee haya talada dalka Koonfur Afrika oo uu hoggaaminayo Mr. Mhlekwa Nxumalo oo ah masuul sare oo katirsan Xisbiga ANC.

Waxaana madaxweynaha kulankaa ku wehelinaayey Wasiirrada Arrimaha Dibeda, Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), Arrimaha Gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Horumarinta Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire iyo Gudoomiye Ku xigeenka Labaad ee Xisbiga Kulmiye, Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi Dheere).

Dhinaca weftiguna waxay ka koobnayeen, 1. Mr Abner Mosaase, 2. Mr. Malose Ramashala iyo 3. Mr Allen Magumbi. – Qaran News Somaliland

Leave a Reply