Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Oo Hambalyo U Diray Ciidanka Booliska Soomaaliyeed

 

20-12-2020

 

MUQDISHO (SONNA) – Wasiirka Wasaarradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiinta XFS, ayaa ciidan ka Booliska Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey Sanad Guuradii 77-aad ee ka soo wareegatay Aas-aaskii Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaarrada Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dib-u-heshiisiinta Mudane Generaal Mukhtaar Xusseen Afrax, ayaa ugu hambalyeeyey Sarreeyeyaasha, Saraakiisha, Saraakiil-xigeennada, Aliflayda, Dableyda iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee Ciidanka Booliska iyo qoysaskooda 77-guurada ka soo wareegtay Aas-aaskii Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa ku amaanay, sido kalana bogaadiyey Saraakiisha iyo guud ahaan Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed sida ay naftooda ugu huraan xaqiijinta amniga iyo xasiloonida dalka si muwaadiniinta Soomaliyeed ay nabad ugu naaloodaan dalkooda.

Leave a Reply