Faah Faahino Ka Soo Baxaya Dagaal Ka Dhacay Gobolka Hiiraan

 

20-12-2020

 

Wararka laga helayo Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta dagaal u dhexeeyey Al-Shabaab iyo Ciidamada Itoobiya uu ka dhacay qeybo kamid ah gobolkaasi.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii dagaalyahano katirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin Ciidamada Itoobiya ee Qeybta Howl-galka AMISOM ay ku leeyihiin deegaanka Halgan oo katirsan gobolka Hiiraan oo dhaca bartamaha Soomaaliya.

Ilo deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in weerarka, kadib uu dagaal toos ah ka dhacay halkaasi, kaas oo la’ isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyey intaba.

Xaaladda ayaa hadda ah mid deggan, waxaana goobihii lagu diriray ku sugan Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Xoogga Dalka Soomaaliyeed. – Radio Shabelle

Leave a Reply