Jubbaland Oo War Cusub Ka Soo Saartay Xaalada Gobolka Gedo, Dowladana Ku Eedeysay

 

19-12-2020

 

Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa mar kale ku eedeysay DF faragelin iyo khal-khal amni oo ay ka waddo Gobolka Gedo.

War Saxaafadeed ka soo baxay Jubbaland ayaa lagu sheegay in cawaaqib xumada ka dhalata dhibaatada ay DFS ka waddo Gobolka Gedo uu masuuliyadeeda dusha saaran doono Madaxweynaha Soomaaliya.

“Soomaaliya iyo Kenya waxay leeyihiin Xuduud dhan 850 KM waxaa la yaab leh in Kenya laga difaacayo 7 KM oo u dhexeysa Malkaariley iyo Beledxaawo” ayaa ka mid ahaa qoraalka kasoo baxay Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Xigasho: Hiiraan Weyn News

Leave a Reply