Ciidanka Xoogga Dalka Oo Howlgal Lagu Dilay Horjoogeyaal Katirsan Al-shabaab Ka Fuliyay Jubbada Hoose

 

19-12-2020

 

Muqdisho (SONNA) – Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee DANAB ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgal qorsheysan ka fuliyeen degaanno hoostaga Degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo ay ku sugan yihiin Xubno katirsan Al-Shabaab.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysa ayaa waxaa ay sheegeen in ujeedkooda uu ahaa mid ka dhan ah Al-Shabaab, isla markaana ay dileen saraakiil iyo dagaalamayaal katirsan maleeshiyada Al-Shabaab.

Taliyaha Ururka 5aad ee Guutada DANAB Carab Dheeg Axmed ayaa Idaacadda Codka Ciidamada u sheegay in howlgalkaas lagu dilay saddex Horjooge iyo 13 xubnood oo kale oo katirsan Al-Shabaab, sidoo kalena ay nolosha ku qabteen lix xubnood.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in Ciidanka ay bur-buriyeen xarumo Al-shabaab ay ku lahaayeen degmadaasi Jamaame ee Gobolka Jubadda Hoose howlgalkana uu ahaa mid qorsheeysan oo argagixisada looga sifeynayay gobolka.

Leave a Reply