Bandow Xoogan Oo Lagu Soo Rogay Magaalada Gaalkacyo

 

19-12-2020

 

Wararka naga soo gaaraya Mudug ayaa sheegaya in ciidamada xasilinta gobolkaasi ay bandow ku soo rogeen Koonfurta Gaalkacyo, kadib qaraxii ka dhacay magaaladaasi.

Ciidamada ayaa sidoo kale howl-gallo lagu baadi goobayo dadkii soo abaabulay weerarkaasi ka bilaabay Gudaha Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Ilo deegaanka ah ayaa inoo sheegay in ciidamada ay hakiyeen dhaq-dhaqaaq xaafadaha qaar, iyaga oo ka bilaabay howl-gallo loogu baarayo guri guri .

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada xasilinta ay howl-galladaasi ku soo qab qabteen tiro dad ah oo u badan dhalinyaro, kuwaas oo ay ku socdaan baaritaano.

Qaraxii is-miidaaminta ee shalay ka dhacay Afaafka Hore ee Garoonka Kubadda Cagta Cabdullahi Ciise ayaa waxaa ku dhintay saraakiil sar sare iyo dad kale oo shacab ah. – Radio Shabelle

Leave a Reply