Magacyada Saraakiisha Iyo Mas’uuliyiintii Ku Dhintay Qaraxii Gaalkacyo Iyo Dowladda Oo Ka Hadashay

 

18-12-2020

 

Qaraxan oo uu fuliyay qof naftii-hure ah ayaa galaaftay nolasha saraakiil sarsare oo katirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ciidamo iyo waliba mas’uuliyiin hore.

Saraakiisha Qaraxan ku dhimatay ayaa kala ah Taliyihii Qeybta 21-aad ee Milatariga Xoogga Dalka Soomaaliya, Janaraal Cabdicasiis Cabdullaahi (Qooje Dagaari), Taliyihii Ciidamada Danab, Qeybta Galmudug, Koloneel Muqtaar Cabdi Aadan.Taliye Ku-xigeenkii Ciidanka Danab, Qeybta Galmudug, Dhamme C/raxmaan Mire Cali.

Waxaa sidoo kale dadka dhintay kamid ah Duqii Hore ee Degmada Gaalkacyo Qeybta Puntland maamusho Maxamuud Yaasiin Axmed (Tumeey) iyo qaar kamid Ciidamadii Ilaalada ka hayay Garoonka Kubada Cagta Cabdullaahi Ciise oo loo diyaarinayay soo dhaweynta Ra’iisal Wasaare Maxamed Xusseen Rooble.

Qofka weerarka geystay ayaa la sheegay in uu soo dhex-galay saraakiisha iyo ciidamada oo uu si gaar ah u bartilmaameedsanayay, waxaana mar kaliya goobta qabsaday dhawaqa Qaraxa oo ahaa mid aad u weynaa iyo Uuro cirka isku shareertay.

Dadkii goobta u taagnaa soo dhaweynta Ra’iisal Wasaare Maxamed Xusseen Rooble intii ka badbaaday qaraxa ayaa mar kaliya goobta isaga cararay, halka qaar kalana bilaabeen in ay u gurmadaan dadka ay wax-yeeladu soo gaartay.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xaqiijyay geerida saraakiishan sida uu Warbaahinta Dowladda u sheegay Taliyaha Guud ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen Odawaa Yuusuf Raagge.

Taliya Qeybta 21aad ee Qaraxan ku dhintay Gen Qooji-Dagaari ayaa siweyn caan uga ahaa guud ahaan marka la eego Gobollada Dhexe.

Lama oga in Ra’iisal Wasaare Rooble uu sii waddi doono socdaalkiisa Gobollada Dhexe uu ku marayo gaar ahaan magaalada Gaalkacyo oo siweyn looga hadal hayo saameynta weerarkan ismiidaaminta ah. – HOL News

Leave a Reply