Madaxweyne Farmaajo Oo Maanta Ku Wajahan Jabuuti

 

18-12-2020

 

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta oo Jimco ah la filayaa inuu gaaro Magaalada Jabuuti ee dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, si uu uga qeyb galo shirka IGAD.

Shirka Urur Goboleedka IGAD ayaa looga hadli doonaa arrimo dhowr ah oo ay kamid tahay xaalada Gobolka Tigray oo dhowaan Milateriga dalka Itoobiya dagaal kagala wareegeen Jabhadda TPLF.

Sidoo kale arrimaha shirka looga hadli doono ayaa waxaa kamid ah xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya, kaddib markii Dowladda Soomaaliya ay xiriirka u jartay Kenya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa dhowaan shaacisay, in ashtako ka dhan ah Kenya u gudbisay Urur Goboleedka IGAD.

Shirka oo furmi doona 20-ka bishan ayaa waxaa la filayaa inay ka soo qeyb galaan Madaxda dalalka IGAD.

Ra’iisul Wasaaraha dalka Sudan Abdalla Hamdouk ayaa ah Guddoomiyaha IGAD, waxaana booqasho uu Axadii la soo dhaafay ku tagay Addis Ababa ku sheegay in isaga iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ay isla garteen in shir laga yeesho xaalada ka jirta gobolka Tigray. – Jowhar News

Leave a Reply