Booliska Puntland Oo Eedeeyay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya

 

18-12-2020

 

Taliska Ciidanka Booliska Puntland ayaa beeniyay in kulan isbaraasho ah oo looga hadlayay Ammaanka Doorashooyinka in ay la qaateen Guddiga Doorashooyinka ee lagu muransan yahay warkaasi oo laga sii daayay sida booliska ay sheegeen SNTV oo ay maamusho Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya.

War kasoo baxay taliska ayaa lagu sheegay in war lagu baahiyay Warbaahinta Dowladda lagu sheegay in Taliyaha Booliska Puntland ka qeyb galay shirkaas guddiga lagu muransan yahay, islamarkaana taliyaha kaliyah uu ka qeyb galay shir ay soo diyaarisay Beesha Caalamka oo ammaanka doorashooyinka looga hadlay.

“Xaqiiqdii waa nasiib daro weyn in loo isticmaalo Telefishinkii Dowladda Soomaaliyeed, faafinta warar been ah oo siyaasadeed, taasna waxaan shaki ku jirin inay geyaysiinayso kalsooni ka bax iyo hoos u dhac sumcadeed”, ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Taliska Ciidanka Booliska Dowlad Goboleedka Puntland

Warka booliska ayaa intaasi kusii daray “SNTV wuxuu baahiyay sawiro uusan ka dhex muuqan Taliye Cabdi Yare balse lagu been abuurtay magaciisa kadib markii lagu soo darey qoraalka lagu baahiyay bogga telefishinka.”– Hiiraan Weyn News

Leave a Reply