Mustaf Dhuxulow Oo Ka Hadlay Xafladii Laga Joojiyey, Aadna U Eedeeyey Farmaajo Iyo Fahad

 

17-12-2020

 

Musharax Madaxweyne Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ahna Xildhibaan katirsan Golaha Shacabka ayaa caawa ka hadlay kulan lagu taageerayey oo ay kahor istaageen ciidamada ammaanka, kaas oo ka dhici lahaa Hotelka Afriik ee Magaalada Muqdisho.

Musharax Dhuxulow ayaa sheegay in kulankaas ay soo qaban qaabiyeen dhalinyaro isaga taageersan, isla markaana lagu soo dhaweynayey musharaxnimadiisa, waxuuna tallaabadaas ku eedeeyey Taliska Hey’adda Nabad sugidda.

Ciidamo isugu jira Boolis iyo Nabad sugid ayuu sheegay inay hor istaageen xafladaas, balse markii uu la xariiray Taliska Guud ee Nabad sugidda ay u cadaatay in ku talagal looga hor istaagay kulankaas lagu taageerayey.

“Waxaa cad in aysan ogoleyn in dalkan ay doorasho ka dhacdo, waxaa cad in aysan ogoleyn in lala tartamo, waxaa cad inay rabaan in dalka ay ku heystaan xukun kali talisnimo ah, Farmaajo dalkan waa lagu soo dhaweyey, markii loo doortana qof uu xiro iyo qof uu handado ayuu ka dhigay dadkii” ayuu yiri Mustaf Dhuxulow.

Isagoo sii hadlaayey ayuu yiri, “Dadka Soomaaliyeed waxaan u sheegayaa in Madaxweyne Farmaajo iyo Taliyihiisa Nabad sugidda Fahad Yaasiin aan dalka iyo dadka lagu aamini karin, waxaana ugu baaqayaa dadka Soomaaliyeed inay talo ka yeeshaan xaaladda dalka, sababtoo ah annagii madaxda aheyn oo dalka ka soo shaqeynay oo siyaasadda ku jirnay ayaa meel aan ka marno la’ nafteena ayaa maanta halis ku jirta, bal iska daa dadkii nataageerayee.” – Radio Kulmiye

Leave a Reply