Musharrax Daahir Maxamuud Geelle Oo Farriin Culus U Diray Farmaajo

 

17-12-2020

 

Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle oo kamid ah Musharaxiinta u taagan qabashada Xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si kulul kaga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, waxaana uu farriin u diray Shacabka iyo Ciidanka Dowladda Soomaaliya qaybahooda kala duwan.

Waxaa uu sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo uu wado cabburin siyaasadeed, waxaana uu intaas ku daray in Madaxweyne Farmaajo uu dalka galinayo qalalaase siyaasadeed, oo aan hadda loo baahnayn.

Ciidanka Dowladda ayuu ku tilmaamay kuwo uu Farmaajo danahiisa siyaasasadeed uu u adeegsanayo, waxaana uu ugu baaqay in ay noqdaan Ciidan Qaran balse aysan noqon kuwo shakhsi uu danihiisa siyaasadeed ku fushado. – Radio Dalsan

Leave a Reply