Maxuu Yahay Heshiiska Is-afgarad Ah Oo Kenya Iyo Somaliland Gaaren?

 

15-12-2020

 

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ku sugan Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya ayaa mar kale maanta kulan la qaatay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Kulanka dhexmaray Muuse Biixi iyo Uhuru Kenyatta ayaa intii uu socday waxaa ay Somaliland iyo Kenya ku gaareen Heshiis Cusub oo ka kooban dhowr qodob, sida ku cad War-murtiyeed laga soo saaray kulankaas.

Labada dhinac ayaa ku heshiiyay in Kenya ay Qunsuliyad ka furato Magaalada Hargeysa bisha Maarso ee Sanadkan Cusub ee 2021, isal markaana kor loo qaado Xafiiska Somaliland ee Magaalada Nairobi.

Sidoo kale qodobada heshiiska lagu gaaray ayaa waxaa kamid ah in diyaaradda Kenya Airways ay duulimaad toos ah ka bilowdo Bisha Maarso Somaliland, ayna dadka Somaliland garoomada diyaaradaha ee Kenya ka heli doonaan dal ku gal ama VISA.

Saraakiil sarsare oo kala katirsan Somaliland iyo Kenyan ayaa ka shaqeyn doonaa ballaarinta wada shaqeynta labada dhinac oo ay ku jiraan hirgelinta barnaamijyo wax is-dhaafsi sida Ardeyda, Saraakiisha Beeraha, Dhakhaatiirta iyo Xirfadlayaasha kale.

Si kastaba, heshiiska ay gaareen Dowladda Kenya iyo Somaliland ayaa waxaa uu kusoo beegmay, iyadoo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xiriirkii diblomaasi u jartay Dowladda Kenya, kuna eedeysay fara-gelin siyaasadeed.

Xigasho: Hiiraan Weyn

Leave a Reply