Faah Faahino Ka Soo Baxaya Qarax Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

 

15-12-2020

 

Ugu yaraan shan qof oo rayid ah ayaa dhintay, 9 kalena dhaawacyo ayaa soo gaaray, kadib markii ay rasaas xoogan ku fureen ciidamo katirsan kuwa AMISOM oo shalay aroorti qarax lagula egtay qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho ee caasimada Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa ka dhacay inta u dhexeysa Isgoyska Fagax iyo wadada aada dhanka Xaafadda Jamhuuriyo oo katirsan Degmada Kaaraan ee Magaalada Muqdisho ee Gobolka Banaadir.

Ciidanka AMISOM, gaar ahaan kuwa Burundi oo ah askarta qaraxa lala eegtay ayaa riday rasaas aan loo meel-dayin, iyaga oo kadib goobta isaga dhaqaaqay, sida ay Idaacadda Shabelle u sheegeen qaar kamid ah dadka deegaanka.

Dadka dhaawacyada ah ayaa sidoo kale lagu soo qaaday Gaadiidka Gurmadka Deg-dega ah ee Ambalaasta, iyada oo la dhigay qaar ka mid Isbitaallada Muqdisho.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Saraakiisha Laamaha Ammaanka oo ku aadan dhacdadaasi.

Inta badan Ciidamad Midowga Afrika ee AMISOM ayaa rasaas ku fura dadka shacabka ah xilliyada qaraxyada lagula eegto gudaha Magaalada Muqdisho.

Waa qaraxii labaad ee noociisa ah oo ka dhacaya caasimada, iyadoo kii ugu dambeeyey uu maalin ka hor ka dhacay Agagaarka Madaxtooyadii Hore ee C/qaasim Salaad Xasan.

Xigasho: Radio Shabelle

 

Leave a Reply